FAARAX C/Qaadir oo la soo baxay qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax C/qaadir oo kamid ah Saaxiibada ku dhow dhow Madaxweyne Xasan ayaa iminka wado qorsho uu taageero uga raadsanaayo Dowladaha carabta ee saaxiibada la ah Somalia, kadib markii uu lumay xiriirka dowladda iyo reer galbeedka

Faarax C/qaadir ayaa doonaaya in dhaqaalaha dowladda Soomaaliya uu iminka ka yimaado Dowladaha Carabta, kadib markii caalamka kale uu dhaqaalaha ka jaray DF.

Dowladaha uu garabka Siyaasadeed weydiistay ayaa waxaa kamid ah Qadar, Imaaraadka, Kuwait iyo dalka Sacuudiga oo mudooyinkaani danbe uu la lahaa xiriir fog.

Faarax ayaa sidoo kale xiriiro la sameynaayo wakiilada Dowladahaasi qaar ka jooga Somalia, isaga oona ka heysta ballanqaad.

Marka laga soo tago Dowladaha carabta ayaa waxa uu Faarax taageero lixaad leh uu ka heystaa Dowlada Ethiopia oo iyadu xiligaani saameyn xoogan ku leh Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com