27.9 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Xog: Gaas oo loogu dhex hanjabay Muqdisho iyo CC oo u gurmaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War hoose oo aan ka helnay ilo diblumaasiyiin ah oo ku sugan Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Hanjabaad kulul loo jeediyay Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Wararku waxa ay sheegayan in C/wali Gaas loogu dhex hanjabaday Madaxtooyada Somalia, xili uu halkaasi uga qeybgalaayay kulan.

C/wali Gaas, ayaa waxaa Hanjabaada u jeediyay Siyaasiyiin iyo Xildhibaano garab u ah Madaxweynaha Somalia oo kaga digay inuu kusii fogaado faragalinta uu ku hayo Doorashooyinka, maadaama uusan aheyn labada Guddi ee qaabilsan arrimaha Doorashooyinka.

C/wali Gaas ayaa waxaa Hanjabaada loo jeediyay xili uu dhexda kaga jiray kulanka, waxa ayna Hanjabaada la noqotay mid layaab ah, maadaama la faray in Arrimaha Doorashooyinka uu banaanka ka istaago sida Hogaamiyayaasha Gobolada ay banaanka uga istaagen.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo kulanka ku sugnaa ayaa garab u noqday C/wali Gaas, waxa uuna halkaasi uga kaxeeyay Gaadiid dagaal isagoo geeyay Xafiiskiisa.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo C/wali Gaas ayaa xiligaani ku mideysan Siyaasada looga soo horjeedo Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye, gaar ahaan kuwa Sharmaarke kula tartamaaya doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News