Sawir: Turkiga oo xarun casri ah u dhistay xildhibaanada Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa soo gabagabeysay dhismaha xarun cusub oo la sheegay inay u dhistay xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowlada Somalia.

Xarunta cusub ayaa waxaa ku howlgali doona Xildhibaanada Aqalka Sare, sida lagu baahiyay Barta ay Twitter-ka ku leedahay safarada Turkiga.

Dhismaha xarunta cusub ayaa waxaa taabagalisay Hay’ada TIKA, waxa ayna xaruntu noqoneysaa tan ugu casrisan marka loo eego xarumaha kale ee Dowlada.

Warbixinta lagu soo daabacay Barta Twitter-ka ku leedahay safarada Turkiga, ayaa waxaan lagu cadeyn halka ay ku taalo Xarunta cusub ee loo dhisay Xildhibaanada Aqalka Sare ee DFS.

Xarunta cusub ay Dowlada Turkiga u dhistay Xildhibaanada Aqalka Sare, ayaa waxaa lagu wadaa in lagu shaqo bilaabo Doorashada Madaxweyninimo kadib.

Geesta kale, Dowlada Turkiga ayaa kaalin weyn ka qaadata dib usoo celinta bilicda magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in garab ay u tahay Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com