Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo warbaahinta kula hadlaayay deegaanadiisa ayaa sheegay in maamulka uu diyaariyay 4,000 oo booyadaha biyaha.
C/wali Gaas ayaa sheegay in Booyadahaasi loo adeegsan doono ka hortaga biyo la’aanta ka jirta deegaanada maamulka.
”Puntland waxa ay diyaarisay 4,000 oo booyado waxa uu ujeedkeenu yahay inaan badbaadino dadka u dhamaanaya abaaraha iyo biyo la’aanka”
”Booyadahaani waxaa mar qura lagu daabuli doono biyo waxaana lagu gaarsiin doonaa guri waliba oo ay ka jirto biyo la’aan”
C/wali Gaas waxa uu cadeeyay in maamulkiisa uu ka gaabiyay dadaalka looga hortagi lahaa abaaraha, hayeeshee ay iminka u suuragashay.
Haddalka C/wali Gaas, ayaa imaanaya xili deegaanada maamulka ay baahi iyo biyo la’aan ugu dhamaadeen dhowr kun oo dad iyo xoolaba leh.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

