C/Weli GAAS oo xilal ka qaadis badan damacsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xogogaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka C/weli Gaas uu isku shaandhen ku sameynaayo Xukuumada Maamulka.

Isku shaandheyntaani ayaa waxa ay si gaar ah u saameyneysaa Wasiirada, Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru dawladayaasha oo saan-saanteeda laga dareemaayo Magaalada Garoowe.

Gaas ayaa sidoo kale meesha ka saari doono dhowr Wasiir oo badalkooda lagu buuxin doono Xubno kale oo iminka looga yeeray Aqalka Maamulkaasi looga arimiyo.

Xukuumada Cusub ayaa lagu wadaa inay ka mid noqon doonaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka oo iyagu kor loo soo qaadi doona, waxaana jiro warar sheegaya in Wasiirada qaar ay daaqada ka bixi doonaan.

Warar hoose ayaa la sheegayaa in Wasiirada la filaayo inay waayan xilkooda lagu eedeeyay isdabamarin sidaasina ay ku weyn doonaan xilkooda walow aan weli magacyada Wasiiradaasi lahelin.

Inta badan shacabka ku hoos nool Maamulka Puntland ayaa hadal haya Isbadalada lagu sameyn doono xukuumada gudaha bishaani.

Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa xili Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland ay Bishii hore ee May Dhaliileen Golaha Xukuumada waxaana ay sheegen inay Mooshin ka keenayaan walow mooshinkaas uu horay u fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com