Dhallinyaro iyo haween Somali-Swedish ah oo ku qulqulaya DAACISH iyo xog xasaasi oo la helay!!

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakaalladda Wararka ee ugu weyn dalka Sweden ee loo yaqaano TT newswire ayaa maanta qortay in Saddex dhallinyarro Somali-Swedish la rumeysan yahay inay ku biireen Dagaalamayaasha Daacish (IS) ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Wakaalladda oo soo xigatay ilo madax bannaan ayaa sheegtay in saddexdaasi qof oo kala ah Labo nin iyo Haweeney da’yar oo ka tirsanaa Jaalliyadda Soomaalida deggan magaalladda Orebro ee Bartamaha dalka Sweden inay gaareen deegaanadda ay Kooxda Daacish ka maamulaan gudaha dalka Syria ama Iraq.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Geeska Afrika ee magaalladda Orebro, Mahad Warsame ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee TT inuu warbixin ka helay Waalidiinta dhallinyarradda Somali-Swedishka ee ku biiray Daacish.

Waxa uu intaasi ku dartay inay Waalidiinta aad iyo aad uga walaacsan yihiin arrintaasi, isla markaana ay isku hawleen sidii ay u joojin lahaayeenDhallinyaradaasi si aysan u noqon Jihadistayaal.

Ilo-wareed kale oo aan jeclayn in la magacaabo ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee TT in saddexda Somali-Swedishka u sheegen dad ku sugan gudaha Sweden inay ku sugan yihiin gudaha dalka Syria.

Mid ka mid ah Dhallinyaradaasi oo 22-jir ah ayaa la sheegay inay Hay’addaha Ammaanka Sweden u diiwaan geliyeen dembiyo badan.

Ninka kale ayaa la rumeysan yahay inuu walaalkiisa ka weynaa ku geeriyooday dagaalka Daacish ka wadaan gudaha dalalka Syria ama Iraq.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa bishii hore ee May 19-dii baahisay inay Maamulayaasha dalka Turkiga inay dadkaasi labo jeer soo masaafuriyeen, kadib, markii uu codsi uga yimid Dowladda Sweden.

Saddexdaasi dhallinyarro ayaa la rumeysan yahay inay mar saddexaad ku laabteen dalka Turkiga, una sii gudbeen Syia iyo Iraq.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Geeska Afrika ee magaalladda Orebro, Mahad Warsame ayaa rumeysan inay saddexdaasi dhallinyarro doorteen khad kale si ay u gaaraan Deegaannadda ay Daacish maamulaan.

“Dad baa ku taageeray lacag iyo dadka ay la xiriiri karaan” ayuu yiri Mahad Warsame.

Hay’adda Adeeegga Ammaanka ee dalka Sweden ee Sweden’s Security Service, Säpo, wey ka gaabsatay inay xaqiijiyaan Warka ku saabsan Dhallinyarradda Soomaali-Swedishka ku biirtay Dagaalamayaasha Daacish.

Ugu yraaan 150 Muwaadiniin haysta Dhalashadda dalka Sweden ayaa la sheegay inay sannadihii la soo dhaafay ku biireen Kooxda Daacish.

Hay’addaha Sirdoonka ayaa rumeysan in ugu yaraan 35 qof oo u dhalatay dalka Sweden lagu dilay dagaalladda Daacish ka wadaan Iraq iyo Syria,

Xigasho: TT & The Local.se

Xuquuqda qoraalka waxaa leh Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com