DF Somalia oo ciidan ka urursaneysa Kismaayo!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in si xooli ah uu iminka u socdo diiwaan galinta Ciidamada Maamulka ee la filaayo in dhawaan la qarameeyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in diiwaan galinta Ciidamadaasi si xooli ah uga socto Magaalada Kismaayo, gaar ahaan xarunta Jaamacadda waxaana lagu wadaa in Ciidamadaasi marka hore lagu tababaro xero cusub oo ku taal duleedka Jaamacadda Kismaayo kadibna lagu biirindoono kuwa xooga dalka Somalia.

Mid kamid ah Saraakiisha Maamulka oo kamid gudiga u xil saaran soo qorista ciidanka, ayaa goordhow sheegay in ciidamadaasi laga qorayo magaalada Kismaayo tiro ahaana ay gaarayaan 3840 askari.

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in 960 Ciidan laga qoraayo gobbolka Gedo, halka inta soo hartayna laga qoridono magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee gobolada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Ciidamada la qarameynaayo ayaa qoristooda ka hor lagu sameynayaa baaritaano dhanka Caafimaadka jirkooda, waxaana diiwaan galinta iska kaashanaayo Saraakiil ka kala tirsan Wasaarada gaashaandhiga Somalia iyo tan Maamulka Jubbaland.

Marka Tababarka ay soo dhameystaan ayaa lagu wadaa in ciidankani la qalabeeyo kadibna lagu wareejiyo gacanta wasaaradda Gaashaandhiga DF Somalia.

Dadaalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan DF Somalia ay heshiis dhigaaya in la sameeyo Ciidamo qaran oo isku dhaf ah Magaalada Garoowe kula saxiixata Maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com