Video naxdin badan: Daawo sida ay DAACISH u ciqaabeyso caruurta da’doodu ka yar tahay 10-ka

BBC-da ayaa soo bandhigtay muuqaal ay heshay oo lagu duubay Mobel, kaasoo muujinaya dagaal[yahanada Daacish oo ciqaabaya wiil 14 jir Syrian ah.

Muuqaalkan oo uu duubay mid kamid ah dagaalyahanada Daacish, ayaa waxaa muujinaya wiil yar oo 14 jir ah oo inta meel kore laga soo laad laadiyay si bini’aadanimada ka baxsan loo garaacayo.

QM ayaa Daacish iyo dhamaan kooxaha ka dagaalama Syria ku eedeeysay ineey ciqaabaan caruurta yar yar mar marka qaarna ayba dilaan.

Sidoo kale Daacish ayaa caruurta yar yar si qasab ah ku askareysa una adeegsata dagaalada ay kula jiraan Dowlada Asad.

Mid kamid ah Caruurta oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa sheegay inuu ka garab dagaalamay Jabhada Al-nusra ee Syria ka dagaalanta kuna xiran urur weynaha Al-qacida kahor intii uusan kusoo biirin Daacish.

Koronto ku ciqaabid:

Muuqaalkan oo ay heshay BBC-da laguna qaaday Mobel, ayaa waxaa ka muuqanaya wiil yar oo 14 jir ah oo meel sare laga soo laad laadiyay sidii Neef la qalayo islamarkaasina uu si naxariis darro ah u garaacayo mid kamid ah dagaalyahanada Daacish.

Wiilkan oo lagu magacaabo Axmed ayaa ka xiran Indhaha, waxaana labada dhinac ka taagan laba dagaalyahan oo Daacish katirsan kuwaasoo Karbaash la dhacaya, mid kamid ah ayaa gacanta ku haysta Biskoolad iyo Midi halka kan kalena uu wato Qoriga AK 47.

Axmed ayaa labadiisa Gacmood waxaa lagu xiray saqafka kore ee qolka uu kujiro, waxaana lagu bilaabay Garaacis naxariis darro ah.

Wiilkan oo ah 14 sano jir, ayaa waxaa ehelkiisa kasoo afduubtay Daacish.

Axmed ayaa markii uu kasoo baxsaday Daacish soona gaaray xuduudka Turkiga qisadiisa xanuunka badan uga sheekeeyay BBC-da.

“Waxaan ka fikirayay Hooyadeey, waxaan ka fikirayay waalidkeey” ayuu yiri Axmed.

“Waxaan aaminsanaa inaan dhiman doono oo aanan dib u arki doonin waalidkeyga iyo walaalaha ila dhashay” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

“Waxay ahaayeen kuwo si xun ii garaaca mar mar igu qabta Koronto ilaa aan ka qirto dambi aanan lahayn”.

Cabsi:

Axmed ayaa ahaa mid Rooti ku iibiya magaalada “Raqah” ee waqooyiga Syria ilaa iyo markii ay qabsanayeen Daacish, halkaas ayuuna kasoo saari jiray nolosha reerkiisa.

Axmed ayaa sheegay in 2 nin oo Daacish katitrsan ay ka dalbadeen inuu Boorso ugu qaado waxyaabaha qarxa kadibna uu dhigo meel ay iyaga u cayimeen kadibna uu sidaas sameyay.

Waxa uu sheegay in da’diisa aysan qiimeyn balse ay 2 maalmood si aad ah u ciqaabayeen.

“Markii ay Korontada igu qabanayeen ayaan ku qeeyliyay magaca Hooyadeey, mid kamid ah ragii i ciqaabayay ayaa igu sii xoojiyay Korontada waxaana uu igu yiri Hooyadaa hasoo gelin meesha” ayuu yiri Axmed oo ka sheekeeynaya Xanuunki iyo Ciqaabtii uu soo maray.

Waxa uu sheegay in dil lagu xukumay, laakiin askarigii la rabay inuu dilo ayaa iska soo fasaxay una ogolaaday inuu soo baxsado oo cararo.

“Waxaa yareyd inaan hurdo markii aan Turkiga soo gaaray, waxaan ahaay mid aad u cabsanaya, waxaan helay Daaweyn lakin taas iima suurta gelin inaan hurdo, waxaan ahaa mid ku qarwa dhibaatadii aan lasoo kulmay”.

“Markaan Indhaha is galiyaba waxaa iisoo muuqanaya cadaabkii iyo Xanuunki ay isoo marsiiyeen markaas ayaan indhaha kala qaadaa oo hurdada iga tagtaa” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

BBC-da ayaa la kulantay ninkii duubay muuqalka Axmed ee Daacish ka tirsanaa, kaasoo hada isaga soo baxsaday Kooxda, waxaana uu sheegay inuu ka shaleeynayo inuu ku biiro Daacish.

Waxa uu sheegay inuu muuqaalka Axmed u duubay sidii uu faafin lahaa xaqiiqda Daacish, sidoo kale waxa uu sheegay inuusan ogeyn halkii ay ku dambeeyeen 2dii nin ee Ciqaabtay Axmed.

“Daqiiqad walbo waan ka shalaayaa, markii aan ku biirayay Daacish, markii hore waan ku qanacsanaa lakin hada waan ka shalaayaa” ayuu yiri ninkan duubay muuqaalka Axmed.

Dhuminta Jiilka:

Deegaanada ay la wareegaan ururka Daacish, ayaa waxay ka mamnuucaan waxbarashada reer Galbeedka, waxayna ka furaan madaaris ay caruurta ku baraan dagaalada iyo afkaartooda qaloocan.

Muuqaalkan waxaad ku arkeysaa Daacish oo caruur yar yar u tababareysa dagaalka, sidoo kalena ka qeyb qaadanaya dagaalo.

Sidoo kale Daacish ayaa caruurta yar yar u adeegsata ineey Goowracaan maxaabiista ay soo qabtaan, mararka qaar waxay u fuliyaan dilalka iyo dagaalada.

Qaalid oo ah 17 sano jir, kana soo garab dagaalamay Daacish, ayaa isna BBC-da u sheegay in Caruurta da’dooda u dhaxeyso 13-14 jir ay yihiin kuwa ugu xamaasada badan dagaalka iyo Jihaadka.