MUUNGAAB oo guri weyn ka iibsaday KAMPALA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo Caasimada Online ay ka heshay xubn lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu guri ka iibsaday Magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha.

Gurigaani oo ku yaala bartamaha Magaalada ayaa waxa uu Mungaab ka ag iibsaday boos ku dhagan hoyga Wasiirka Kheyraadka dalkaasi, kaasi oo ah ilaa Seddex boos oo isku furan.

Ilo lagu kalsoon yahay oo gurigaasi booqday ayaa inoo xaqiijiyay in gurigaasi ay iminka ku noolyihiin xaasaskiisa iyo carruur uu dhalay oo dhawaan laga raray Magaalada Muqdisho.

Guriga ayaa waxa uu u dhisan yahay laba qeyb oo mid kamid ah uu yahay deegaan, halka qeybta kalane ay ku yaalan goobo lagu nasto oo ay yaalan qalabka jimicsiga loogu talo galay.

Siyaasada Mungaab ayaa waxaa xiligaani ku jahwareersan Xubnaha ugu sareeya DF Somalia, waxaana lagu tilmaama inuu yahay Mas’uulka ugu safarka badan markii la barbar dhiga Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

Dhanka kale, Mungaab ayaa waxa uu bishiiba safraa ilaa Shan jeer oo halkii safarba ugu yaraan ay ku baxdo dhaqaale dhan 100,000$.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com