DF oo ku fashilantay shir ka soda Geneva kaddib markii uu dacweeyey urur ka dhisan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Xubno ka tirsan Dowlada Somalia, ayaa sheegaya in Dowladu ay ku fashilantay isku day ay ku dooneysay inay cod ku yeelato shirka ILO ee ka socda Geneva.

Go’aan kasoo baxay Gudiga gacanta ku hayo maamulida shirweynaha Ururka Caalamiga ah ee Shaqada ‘’ILO’’ ee hoos-taga QM, ayaa DF Somalia ka mamnuucay inay gacan ku yeelato shirka, iyadoona ay suuragal tahay in la saaro xayiraado hor leh oo caqabad ku yeelan karta hanaanka Diblumaasiyadeed ee DF.

Sida ay xogtu ku heleyso Caasimada Online Shirka oo ay ka qeybgalayaan Dowlado dhowr ah ayaa waxa uu socon doona ilaa 13-ka June, waxa ayna Dowlada Somalia ka mid aheyd Dowladaha lagu marti galiyay hayeeshee dacwado laga gudbiyay awgeed DF Somalia looga mamnuucay inay gacan ku yeelato.

DF Somalia ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay Ururka Federation of Somalia trade union ‘’FESTU’’ oo ka howlgala Magaalada Muqdisho islamarkaana xubno ka tirsana xiligaani ay goob joog ka yihiin shirka.

Gudbinta dacwadaasi sababtay in laga hakiyo kaalinta DF ay shirkaasi ku laheyd ayaa waxaa lahaa Xafiiska Ururka qeybtiisa Kenya oo xubno ka socda Hoolka shirka ka jeediyeen in dawlada Somaliya laga xanibo codaynta iyo weliba khudbada oo ay leeyihiin toddobaadkan soo socda.

Sidoo kale, xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Ururkaasi ay Dawlada Somalia ku eedeeysay inay faragelin ku samaysay Dhaqaale uu ururka lahaa, isdaba-marin iyo in DF ay ku shaqeyso hanaan Urur diimeed mustaqbalka dhow halis galinkara degnaanshaha Somalia.

DF oo kaashaneysa Xubno heer caalami ayaa iminka wado dadaalo Dowlada looga qeybgalinaayo Shirka ILO ee Geneva islamarkaana looga hadlaayo Barnaamijo ahmiyad gaar ah u leh Dowlada Somalia.

Dhanka kale, Madaxtooyada Somalia, ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda ay magaalada Geneva u dirto Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte oo isagu arrintaani taagan kala hadli doona Gudiga gacanta ku haya maamulida shirweynaha Ururka Caalamiga ah ee Shaqada ‘’ILO’’ ee hoos-taga QM.

Lama oga natiijada ka dhalankarta socdaalka la filaayo in Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia ku gaari doono magaalada Geneva, inkastoo Mushkilada taagan ay muujineyso hoos u dhaca xiriirka DF kala dhexeeya Ururada caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com