Ergooyinka ka qeyb galaya shirka CADAADO oo kuraas isku garaacay iyo Jahwareer ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Hoolka uu ka socdo shirka maamulka loogu dhisaayo Gobolada dhexe uu ka socdo foodo.

Warar hordhac ay ayaa sheegaya in Ergooyinka qaar ay gacanta isla galeen xili gudiga farsamada ay bilaabeen inay qeybiyaan Dastuurka KMG ee uu yeelan doono Maamulka Gobolada Dhexe ee iminka dhismihiisu socdo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ergooyinka ay gacanta isla galeen, qaarkoodna ay isu adeegsadeen kuraas, waxaana jiro warar sheegaya in Ergooyinka qaar ay kuraas ku weerareen Gudoomiyaha gudiga farsamada xaliimo yareey.

Goobjooge ku sugan Hoolka shirka ayaa kusoo waramaayo in Hoolka uu ka taagan yahay buuq ka dhashay qeybinta Dastuurka, waxaana markii dambe hoolka gudaha u galay Ciidamada Nabadsugida ee halkaasi ka howlgala.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana lasoo warinayaa in foodada meesha ka dhacday ay kusoo baxeen Mas’uuliyiinta DF Somalia uga wakiilka ah socoshada shirka.

Dhanka kale, Ergooyinka ayaa banaanka looga saaray Hoolka waxaana hakat galay shirka, iyadoona la filaayo in shirkaasi oo ajandihiisu ahaa qeybinta dastuurka uu bari u dhici doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com