Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo gacan ka hadalkii ka dhashay hoolka shirka CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa buuqii manta ka dhex dhacay Hoolka uu ka socdo Shirka Maamulka loogu dhisaayo G/Dhexe ee kasocdo Magaalada Cadaado.

Mahad Diiriye Cabdi oo kamid ah Ergooyinka shirka ayaa sheegay in Ergooyinka ay aad uga carooden dhaqano hor leh oo ay lasoo baxeen Gudiga farsamada waxa uuna sheegay in arrintaani ay ka dambeysay kadib markii Gudiga ay sheegen in Hoolka uusan ka bixi doonin Oday aan qaadan Dastuurka KMG.

Waxa uu sheegay in Buuqa iyo gacan ka hadalka kadib ay Hoolka awood kusoo galeen Ciidamada Ethiopia oo iyagu hoolka ka saaray Dhowr Odayaal oo sabab u ahaa Gacan ka hadalka Hoolka ka dhacay.

Waxa uu Mahad Diiriye Cabdi intaa hadalkiisa ku daray in qaar ka mid ah Ergada Gedooday ay kuraas iyo Kumbiyuutaro la dhaceen kuwa ku qanacsanaay Dastuurka qeybintiisa, sida uu hadalka u dhigay

Mahad Diiriye, waxaa kale oo uu sheegay in Sababta Shirka ay Odayaasha Cadaado ugu Fureen Xasaradda in ay tahay iyagoo ku socda Saxiixyada, Cabdi Qeybdiid oo hadda Musharax ah, Madaxweyne Baarleexa Ximan & Xeeb iyo Ahlu-sunna, Warqado Shalay la qeybiyey oo ahaa kuwa Baratakool ah kuna qornaayeen habka looga doodayo Dastuurka oo Maanta markii la qeybiyey ay Jeex-jeexeen odayaasha diiddan in laga horyimaaddo Jiritaanka Nidaamka ay ku joogaan.

Kuraasta leysku garaacay ayaa waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaaray Odayaasha qaar oo looga dhuftay qeybo kamid ah jirkooda, waxaana iminka xiran Hoolka shirka.

Dhanka kale, Ergooyinka ayaa ku Doodaya in ay Xaq u leeyihiin ka doodista waxii la soo dhaafay sida Magaca Maamulka loo bixinaayo iyo halka ay Caasimaddu noqoneyso,iyadoo Guddiga Farsamaduna ay leeyihiin Muhiim ma ahan in lagu laabto Howl la soo qabtay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com