Xog: Is-faham dhex maray C/Weli Gaas iyo CCC

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Habeenimadii xalay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen madaxda ku sugan magaalada Gaalkacyo ee dooneysa in la dhameeyo xiisadaha dagaal ee wali ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Xogtii ugu dambeysay oo aan heleyno ayaa sheegaysa in kulamada ugu adag ay yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne C/welli Gaas oo labada isku saf ah iyo wafdiga dowlada Soomaaliya kaga sugan magaalada Gaalkacyo.

Gelinkii dambe ee shalay C/welli Gaas ayaa ka biyo diidanaa inuu la kulmo ama uu hor fariisto madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, balse markii dambe ayaa laga dhaadhiciyay haddii aysan kulmin in xal uusa imaaneynin.

Waxyaabaha ugu daran ee la isku heysto ayaa ah cidda qaadeysa masuuliyada weeraradii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, maadaama labada maamul ay midba midka kale ku eedeynayo in masuuliyada dagaalka uu lahaa.

Cumar C/rashiid Cali, oo kulan la qaatay shalay madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa isla gartay afar qodob oo ay ugu horeeyeen in xabad joojin la sameeyo, in ciidamada la kala qaado iyo in laga wada hadlo waxyaabaha dagaalka keenay.

Maanta oo ah bilowga bisha December ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo laga furo shir looga hadlayo dhameynta xiisada magaalada Gaalkacyo oo dowlada Soomaaliya ay gar wadeen ka tahay.

Dagaalka magaalada Gaalkacyo ayaa u muuqda mid la siyaasadeynayo, sababa la xiriira sida madaxda maamul goboleedyada ay isku jiidanayaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Gaas isla garteen in arinta wadahadalka loo deeyo gudi ka kooban Galmudug, Puntland iyo dowlada Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Gaalkacyo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com