Xog iyo Gorfeyn: Xaqiiqda dagaalka Gaalkacyo.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug isugu tegey wufuud kala geddisan oo halkaas u tegey in ay xal u helaan dagaaladii ka dhacay 22 & 28 Bishan Nofeember magaalada Gaalkacyo.

Waxaa Gaalkacyo ku sugan, Raysalwasaaraha Soomaaliya qaar kamid ah Golaha Wasiiradiisa, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, waxaa la dhihi karaa waxaa goobta ka maqan Madaxweynaha Dowladda federaalka ah Xasan Shiikh.

Gogosha Gaalkacyo

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo shirar kala geddisan, oo dhex-dhexaadiyaashu hadba qolo la shireen, weli wax war ah kama soo bixin shirarkaas oo ah kuwo warbaahinta loo diidey.

Marka la eego taariikhda dagaalada Soomaaliya waxay leedahay sababo markiiba loo saaro dagaalka iyo ajandayaal hoose oo laga doonayo in ay dhalaan dhiigga dadka ee la daadinayo taas oo ay lee yihiin dad gaar ah oo aminsan in ay ku gaarayan hadafkooda.

Dagaalka ka dhacay xarunta Gobolka Mudug 22.11.2015, maalin Axad ah ayaa sababtiisa loo saarey in uu ka dhashey Waddo laami ah oo Puntland ay ka dhiseyso xaafadda Garsoor magaalada Gaalkacyo, sababtan ayaa dad badan u arkeen mid aan macquul ahayn marka la eego:

1- Waddo laami ah waxay ka mid tahay horumarka magaalo, waxayna u dan tahay cid kasta.

2- Waddadu waxay martaa xaafadaha Puntland maamulkeedu ka taliyo iyada ayaana dhiseysa.

Maamulka Galmudug oo lagu eedaynayo in ay hor istageen waddadan ayaa qudhoodu sheegeen in aysan waddo keliya ahayn waxa lagu dagaalamey ee ay jiraan sababo kale oo ay ka mid tahay in aysan Puntland ictiraafsaneyn!, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Xaqiiqda dhabta ah ee taala gudaha Gaalkacyo iyo dadka ka faalooda shaqaaqooyinka iyo iska-hor-imaadyada hubeysan ayaa sheegaya in dhibaatadu aysan ka dhalan waddo laami ah oo la samaynaayo keliya ee ay jiraan ajandayaal qarsoon oo gacan qaadka iyo bilowga dagaalka laga lahaaa.

Wada-hadalka iyo gogosha taal Gaalkacyo ayaa la filayaa in aragtiyo kala duwan oo aan qaarkood la isu soo jiidi karin in ay timaado,

Gor-gortanka Galmudug

Maamulka Galmudug waxa uu la ciir-ciirayaa khatar siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Madaxweynaha maamulkaas ayaa weli ku sugan magaalada Cadaado oo aan xarun u ahayn maamulkaas, gacanta uguma jirto magaalooyinka waaweyn ee gobolka Galguduud, maamulku malahan dakhli soo gala, waxaana uu ku tiirsan yahay taageerada Dowladda Federaalka oo bixisa dhaqaalaha maamulkaas.

Sida la fili karo dad badana aaminsan yihiin in ujeedka dagaalkuna ahaa, Galmudug waxay la shir imaaneysaa in ay gor-gortan dhaqaale la timaado iyada oo dooneysa in ay awood ku yeeshaan magaalada oo dhamaan ilaha dhaqaalaha ay gacanta ku hayso Puntland, waxaana la dhihi karaa waddada la joojiyey iyo dagaalku waxaa lagu tilmaami karaa “Qaylo gar dhaweysey”.

Garta Puntland

Maamulka Puntland oo isagu aaminsan in aysan marna ku xadgudbin heshiiskii 1993, isla markaana u arka maamulka Galmudug mid aan dastuurka waafaqsaneyn ayey adag tahay in ay liqaan oo yeelaan gor-gortan ku yimid dhiig la daadiyo, waxaana ay dhankooda la imaan karaan qodobo ay ka mid yihiin:

1-In wixii Gaalkacyo ka dhacay masuuluyadeeda ay qaadayaan maamulka Galmudug iyo cidda gardaadisa ee xanbaarsan oo ah Dowladda Federaalka.

2-In aan la joojin karin dhismaha waddada oo ay cidkasta horumar u tahay.

3-In Hoobiyaashii magaalada lagu garaacay 22 Nofeember 2015 iyo dadkii shacabka ahaa lagu diley ay bixiso Galmudug.

4-In Galmudug ay ku ekaato xuduudii ay lahaayeen ee la yaqaney isla markaana ixtiraamaan heshiiskii 1993.
Sida laga bartey gogosha caynkan ah waxaa ka soo bixi kara oo keliya:

1-In la saaro guddi wada jir ah oo ka wada shaqeeya magaalada.

2-In Puntland u aqoonsato Galmudug maamul jira.

3-In xabbad joojin deg-deg ah la sameeyo.

4-In ciidamada laga saaro magaalada.

5-In waddada la joojiyey dib loo dhiso.

Waxaa hubaal ah in heshiiskii 1993 ay magaalada Gaalkacyo wax ku noqotey isla markaana uga soo baxdey burburkii dagaalka, ayna ahayd magaalada keliya ee dadkeedu ku heshiiyeen in ay nabad kuwada degaan cidna aan lagu xadgudbin, dadka ay sida tooska ah u taabanayso labada dhinacba waxay kuu sheegayaan in nabad iyo walaalnimo ay Gaalkacyo dan u tahay, qaar kamid ah shacabka deggan Gaalkacyo ee reer Puntland ayaa sheegaya in dhanka Koonfur Bari ee magaaladu ay u arkaan dhanka kale dad ku jira (Guri dhalo ah) oo ay ku adag tahay in ay dhagax tuuraan, markaasna lagu dayo wax kasta si ay nabadooda ugu beddeshaan waxa dhinaca kale rabo.

Dhanka kale ee Baraxley ayaa aaminsan in magaalada aysan waxba ku haysan marka la eego hay’adihii Dowliga ahaa oo dhan oo laga dhisey dhanka Waqooyi sida wasaaradaha, xeryaha ciidanka, iyo wershadihii dowladdii hore ka tagtey, Garoonkii diyaaradaha iyo Kontrooladii oo aysan waxba ka maamulin Suuqyada waaweyn oo aysan waxba ku lahayn.

Ugu danbeyntii sida laga bartey dagaaladii sokeeye dagaal dhul laguma kala qaado waxa keliya oo laga helaa waa in dhiig badanla daadiyo, dantuna waxay ku jirtaa nabad Gaalkacyo lagu wada deganaado meelna la iska dhigo sida xun wax u damaca.

W/Q Hussein Farah

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com