Xasan oo safar qarsoodi ah uga maqan XAMAR!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal qarsoodi ah uga maqan magaalada Muqdisho isagoo markii lixaad muddo saddex bilood ah socdaal kale ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay inay dano badan uga xiran yihiin.

Socdaalka madaxweynaha ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan iyadoo saxaafadda laga qariyay si aan la isu weydiin socdaalada faraha badan ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii danbe si weyn u kordhay.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dalka Imaaraadka Carabta oo lug weyn ku leh xaaladda Soomaaliya uu maalgelin u balan qaaday Xasan Sheekh Maxamuud si dib loogu doorto sanadka 2016, waana taas sababta keentay safarrada is daba jooga ah madaxweynaha ku aado Imaaraadka Carabta.

Safarkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay dalkaasi bartamihii bishan aanu ku jirno ee November ayaa la sheegay inay is haleeli waayeen amiir Imaaradda Abu Dhabi, taasoo keentay inuu dib ugu laabto toban maalmood gudahood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com