25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Cabdi Weli Gaas oo mar kale badalay mowqifkiisii hore

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhaceyso doorashada xubnaha aqalka hoose oo muddo hakad ku jirtay.

Doorashada in la qabtaa ayaa waxay ka dambeysay kadib markii la badalay aragtidii hore ee madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli maxamed Cali Gaas.

Maamulka C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa hakad u geliyay doorashada magaalada Garowe, kadib markii ay murun ka keeneen xubnaha aqalka sare ee maamulka Somaliland matalaya.

Waxaana C/Welli Gaas uu doonayay in xubno dheeri ah ku helaa xubnaha ka imaanaya deegaanada SOol, Sanaad iyo Ceyn maadaama labada maamul ku murunsan yihiin.

Doorashada maanta ayaa waxaa lagu wadaa in lagu soo doortaa xildhibaano badan oo kamid noqonaya baarlamaanka cusub, maadaama muddo badan aysan doorasho ka dhicin magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News