Cabdi Welli Gaas: “UN lacagtooda ha heystaan, Puntland lama mid ah maamulada kale ee dalka”

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo daah furay shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya iyo nooca doorasho ee dhici karta sanadka soo socda ayaa weeraray hayadaha Qaramada Midoobay ee dhaqaalaha ku bixinaya shirarkaasi.

C/welli Gaas ayaa shaaciyay in shirkaasi lagu qabanayo shan gobol oo kamid ah Puntland dhaqaalahaasina ay bixinayaan maamulka Puntland, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sababta shirkaasi loogu qabtay gobolo badan oo Puntland ah ku sheegey in Qaramada Midoobay kaliya ay shaacisay iney bixineyso dhaqaalaha Shirka Garowe, sidaasi daraadeedna shacabka Puntland kaliya aysan joogin Garowe.

Shirarka ka dhacaya deegaanada Puntland ayuu sheegay iney ka duwan yihiin kuwa ka dhacayo Koofur Galbed, Jubbaland, Galmudug iyo Banaadir, maadaama sida uu sheegay iney fikrad dhiibanayaan shacab badan oo reer Puntland ah.

“Puntland wey ka duwan tahay maamulada kale, UN-ta waxay sheegtay in shirka Garowe oo kaliya ay dhaqaalahiisa bixinayaan annagana, ka dowlad ahaan ayaan go’aansanay inaan meelo badan shirarka ku qabanayo, UN-tana lacagtooda ha heystaan”ayuu yiri madaxweyne Gaas oo Garowe ka hadlayay.

Shirarka looga hadlayo nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka sanadka soo socdo ayaa lagu qabtay Muqdisho, Cadaado, Kismaayo, Garowe iyo Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland 
Caasimada@live.com