Magacyada iyo beelaha 2-da xildhibaan kaliya ee diiday mooshinkii ka dhanka ahaa Kenya (Ceeb)

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba xildhibaan oo kaliya ayaa diiday qaraarkii ka dhanka ah dhul boobka Kenya ee baarlamanka Soomaaliya uu u codeeyey laba maalin kahor.

Labada Xildhibaan ee ka soo horjeestay mooshinkaas ayaa u dhashay beesha Ogaadeen, waxaana lagu kala magacaabaa Cabdirashiid Xidig iyo Axmed Aabi.

Xildhibaan Axmed Aabi waxa uu yiri “Dastuurka ayaa qeexaya xaduudaha Somalia waana lama taabtaan sidaas darteed waxaan u diiday inaan Xukumadda kula xisaabtano”.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Dowladda Federalka ayaa waxa ay Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia iyo Xisbiyadda Mucaaradka ku eedeeyeen inuu ka mid yahay Jaajuusiinta u shaqeeya Kenya iyo Ethiopia isagoo horkacayay wafdi socdaal ku maray dalalka Caalamka kuwaas oo ujeedkoodu ahaay iney bulshadda weydiiyaan “YAA QAADAN KARA JINSIYADDA SOMALINIMADA”.

Wasiir Cabdirashiid Xidig ayaa socdaalkiisa la xiriiray Jinsiyadda kala soo laabtay weji gabax iyo ceeb taariikhi ah kadib markii dalalka Canada iyo Mareykanka looga oriyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com