Shirar xasaasi oo ka socda Kismaayo & Garowe

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ee maamullada Jubbaland iyo Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka kala furmay shirar looga tashanaayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

Shirarkaani is barbar socda ayaa waxa ay daba socdaan kulamo la sheegay in maalinimadii shalay ay ka kala dhaceen degmooyinka Cadaado, Garbahaareey iyo Baydhabo, waxa uuna ujeedkiisu yahay in dadka deegaanka lagu sameeyo ra’yi uruurin.

Shirarkaani ayaa waxaa looga tashanayaa sida ugu haboon ee Baarlamaanka cusub lagu soo xuli lahaa, waxa ayna Maamuladaasi uruurinayaan aragtida dadka ku hoosnool maamuladooda, si DFS loogu gudbiyo ra’yiga dadweynaha.

Baarlamaanka imaan doona ayaa lagu wadaa inay soo dooran doonaan madaxweynaha la filaayo in Somalia ay yeelato kaasi oo bedeli doona Madaxweyne Xassan si dalka loo gaarsiiyo heerkii laga filaayay.

Shirarka ka kala dhacaaya magaalooyinkaasi ayaa waxaa DFS uga qeybgalaayo xubno ka tirsan Wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka, waxaana sidoo kale madasha ku sugan Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Gobolada dalka ayaa iyaga ku kala aragti dowan hanaanka lagu soo xuli doono Baarlamaanka imaan doona, qaarkood waxa ay doonayaan inay iyaga soo xulaan, halka qaarka kalena ay doonayaan in Baarlamaanka ay soo xulaan Odayaasha beelaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com