Askar ka tirsan DF oo Muqdisho ku dagaalamay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi ay ku wada dagaalameen Ciidamo kawada tirsanaa DFS .

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Raadeerka waxa uuna ka danbeeyay kadib markii Ciidamadaasi ay isku maandhaafen kaararka raashiinka lagu bixiyo oo Degmadaasi lagu qeybinaayay.

Ciidamada uu dagaalka dhexmaray ayaa markii hore ahaa kuwo sugaayay amaanka xarunta kaararka lagu bixinaayay waxa ayna markii danbe isku maandhaafen bixinta kaararkaasi, iyadoona ay sidaa ku bilaabatay is rasaaseynta.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 ruux, halka dhaawacana uu gaaraayo 5 kuwaasi oo gabi ahaantooda loola cararay isbitaalka degmada.

Sideeda ruux ee dagaalka ku geeriyooday ayaa waxaa la soo warinayaa in 2 kamid ah ay ahaayen Ciidamada Degmada, halka inta soo hartayna ay kamid ahaayen dadka kaararkaasi safka ugu jiray.

Kaararka raashinka ee dagaalka dhaliyay ayaa waxaa goobta ka qaybinaayay Hay’adda WFP oo markii hore raashin bisil bixin jirtay balse hada bixiso raashin aanan bisleyn.

Geesta kale, waxaa iminka goobta gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iyo Saraakiil ciidan kuwaasi oo daraaseynaaya qaabka uu dagaalka u dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com