Xildhibaano olole ugu jira in la joojiyo heshiis la filayo inay kala saxiixdaan SOMALIA iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ayaa olole ugu jira inay hor istaagaan heshiis xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso inay toddobaadkan la gasho Kenya oo ku saabsan iskaashiga dhinacyo kala duwan oo labada dal ka dhaxeeya.

Xildhibaano uu hormuud ka yahay C/llaahi Goodax Barre ayaa baarlamaanka uga digay shalay doodii ka dhacday in xukuumadda ay heshiis la galeyso dowladda Kenya, laakiin waxaa difaacay wasiiru dowlada arrimaha dibadda Khaalid Cumar Cali oo sheegay in heshiiska uu yahay mid hore u socday oo aan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha hadda taagan ee derbiga.

Wasiiru dowlaha wuxuu baarlamaanka u sheegay in heshiiska Kenya iyo Soomaaliya uu quseeyo iskaashiga labada dal oo kaliya, isagoo Baarlamaanka weydiiyay haddii ay hayaan caddeyn inay hor keenaan baarlamaanka. Xukuumadda ayuu ku dooday inay gudaneyso howshii loo xil saaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com