Xog: Uhuru Kenyatta oo shaaciyay hadal yaab & amakaag ku ah Soomaalida & madaxda qaranka

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowlada Kenya Uhurru Kenyatta ayaa kahadlay eedeymaha iyo xad gudubka dowlada Kenya ka waddo dhulka Soomaaliya gaar ahaan xuduuda labada dowlada ay ka wadaagaan degmada Beledxaawo.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegayin Soomaaliya ciidamadiisa aysan ku imaan iney dhul boob sameeyan balse ay u yimaadeen iney nabbada iyo xasiloonadiisii hore kusoo celiyaan, sida uu hadalka u dhigay xili uu ka hadlayay xaflad ciidan oo Kenya ka dhacday.

Wuxuu sheegay in dowlada Kenya aysan dooneyn in taako kamid ah dhulka Soomaaliya ku xad gudbaan, isaga oo cadeeyay in nabad ilaalin oo kaliya ay u joogaan dhulka Soomaaliya.

“Dadka Soomaalida ah waxaan u cadeynayaa in kuwa qaswadayaasha ah ay wada jir noo dhaawacaan, waxaana idiin caddeynayaa in Kenya aysan dan gaar ah kala heyn Soomaaliya,xitaa Taako dhul ah oo ka mid ah Soomaaliya,waxa kaliya ah ee aan wada rabnaa waa Nabad iyo amaan”

“waxaan idinkugu baaqayaa adinka oo qurba joogtii dalka ah iyo Kenyaanka kale, in kuwa isu gudbinaya farriimaha naceyb iyo khilaaf abuurka ah, kuna doodaya in Kenya laga yaso dadka laga tirade badan yahay, Dowladda Kenya waa dowlad si rasmi ah ugu siman yihiin dadka oo dhan”

“Haddii dad laga tiro badan yahay la yasayo, Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Kenya waa Amino Max’ed oo Soomaali ah,haddii dad la takoorayo Soomaali miyuu Adan Muxamad noqon lahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Kenya,haddii Soomaali laga neceb yahay halkan miyuu Adan Barre Ducaale noqon lahaa Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Jamhuuriyadda Kenya”ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Kenya uu ka hadlo murunka dhanka dhulka iyo xad gudubka dowlada Kenya ka waddo dalka Soomaaliya, laakiin ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com