Jubbaland oo Ku dhawaaqday hadal niyadda u qaboojiyay BF iyo guddiga xuduudaha SOMALIA

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in dowlada Kenya ay kala hadleen joojinta darbiga weyn ee ay ka dhiseyso xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo dhawaan Kenya ay kaga soo gudubtay dhanka Soomaaliya.

C/qaadir Luga-dheere madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo isaga oo ku sugan Kenya la hadlay VOA ayaa sheegay in dowlada Kenya ay kala hadleen joojinta dhismaha darbiga lagana aqbalay, islamarkaana la joojiyay dhismaha darbiga, sida uu hadalka u dhigay.

Luga-dheera ayaa si cad u shaaciyay in la joojiyay dhismihii dowlada Kenya ay ka waddo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay iney bilaaban doonaan wadahadalo arimahaasi ku saleysan oo u dhaxeyn doona dowlada Soomaaliya iyo Kenya.

“Waan kala hadalnay Kenya arimahaasi, weyna naga aqbashay oo hadda waa la joojiyay dhismaha darbiga, mana jiro wax dhismo ah oo socdo, arimahaasina wadahadal ayaan ka galeynaa”ayuu yiri Lugadheere.

Sidoo kale wuxuu been abuur ku tilmaamay dhamaan eedeymaha loo jeediyay ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo cadeeyay in ciidamada Kenya aysan geysan eedeymaha loo jeediyay.

Jubbaland ayaa difaaceysa dhamaan eedeymaha loo jeediyay dowlada Kenya, mana ahan markii koowaad oo ciidamada Kenya eedeymahaasi oo kale loo jeediyo.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com