DF oo shaacisay ujeeddada ay ka leedahay joojinta QAADKA

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Somaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in Dowladda Federalka Somaliya ay hakiso qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya.

Safiirka oo u waramay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ku sheegay sababta inay tahay in Guddoomiyaha Gobolka Meru Peter Munya uu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha Somaliya.
Waxa uu sheegay Booqasho uu Bishii July ku tagay Magaalada Hargaysa ee Xarunta Somaliland inuu ka hadlay arimo ku aadan Aqoonsiga Somaliland.

“Waxa jira in ay faragelin ku sameeyeen jiritaanka soohdimaha dalka ganacsiga Miraa waxey fara gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha ee dalka,” ayuu u sheegay Danjire Jamal wargeyska Daily Nation.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa hakinta qaadka ee Somaliya Safiir Jamaal waxa uu ku sheegay inay tahay Canaan lagu canaanaayo Dowladda Kenya.

“Tani waxa ay abuurtay in dowladdu ay hakiso qaadki ka imaan jiray Kenya iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada qaadka Meru” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com