Xog: Hub farabadan oo laga soo saaray Hoteel caan ah oo ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xogagaal ka tirsan laamaha amaanka DFS ayaa inoo xaqiijiyay in howlgal ka dhacay Hoteelka The Village ee ku yaalla agagaarka Isbitaalka Digfeer lagu soo qabtay Hub farabadan oo sharci daro ah.

Sargaalka aan xogtaani la wadaagnay oo ka tirsan NISA ayaa sheegay inay heleen xogta Hubka lagu keydiyay Hoteelka The Village ee magaalada Muqdisho sidaana ay halkaasi uga soo saaren Hub u badnaa AK47 iyo Bastoolado cusub.

Waxa uu sheegay in Hubkaasi ay ahaayen kuwo sharci darro ah isla markaana lagu dhex iibin jiray Hoteelka, sida uu xogta ku sheegay.

Hubka ayuu sheegay in halkaasi ay ku keydsadeen Ganacsato Hubka iibisa, hayeeshee arrintaasi ay NISA u xirtay Taliyaha ciidamada ilaalada Hoteelka.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa xaqiijiyay inuu jiray xiriir hoosaad maamulka kala dhexeeyay Ganacsatada sida qarsoodiga ah Hubka uga dhex iibiso magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, gacan ku dhigista Hubkaani ayaa imaaneysa xili ay ciidamada NISA ku howlan yihiin baaritaanada goobaha ganacsiga iyo xaafadaha qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com