Maxaa u sabab ah in amarka DF laga dhaqan gelin waayo Gobolada

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal, ayaa si yaab leh kaga hadlay go’aankii dowlada Soomaaliya ay ku joojisay in qaadka laga soo dajiyaa garoomada diyaaradaha ee ku yaala dalka Soomaaliya, kaasi oo shalay ka dhaqan geli waayay deegaano qaar.

Cabdi Waal, ayaa sheegay in amarada kasoo baxa dowlada Soomaaliya aysan inta badan ka dhaqan gelin deegaanada kala duwan ee Soomaalida, islamarkaana ay ku kooban yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in gobolada qaar ee dalka aanan laga dhaqan gelin amarada dowlada Soomaaliya kasoo baxa, taasina ay muujineyso in amarada aysan aheyn kuwo dhaqan gal ah.

“In go’aanka dowlada Muqdisho uusan dhaafin waxa keenaya in Dowladda aanan loo aqoonsaneyn hogaan sare, maadaama Goboladii dalka ka jiray aysan Dowladda u aqoonsaneyn hogaan sare oo amaradii Dowladda ay soo saarta Goboladii ay jabinayaan”ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdi Waal ayaa sheegay in diidmada amarada dowlada Dhexe ee Soomaaliya ay ugu wacan tahay in gobol gobol loo qeybiyay Soomaaliya, taasi oo danta laga lahaa ay aheyn in laga faa’ideysto kala qeybsanaantooda.

“Laakiin amarka inuusan shaqeynayn ayaa meesha ka muuqata, Somali Xaafad xaafad ayaa loo kala gooyay, awalba waxaa la waday nin waliba oo Madaxweyne sheeganaya uu dalka uu rabo iska aado oo nidaam Qaran meesha aanu ka jirin, nimanka Madaxweynayaasha sheganaya kama amar qaataan madaxtooyada.” Ayuu yiri Cabdi Waal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com