Xassan Sheekh & R/W CC oo juhdi ku bixinaaya hal arrin oo baryahaani uu culeys ka jiro

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa iminka bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan iyo Sharmaarke ayaa kulamadaasi ula gol leh qancinta wakiilada oo baryahaani danbe ahaa kuwo aad uga careysnaa qaabka ay u socto Siyaasada Somalia, gaar ahaan arrimaha ku xeeran doorashada.

Xassan Sheekh iyo Sharmaarke ayaa wakiilada Beesha caalamka ku qancineysa in qaabka ay hadda DFS wax u wado ay tahay qaabkii ugu fiicnaa, iyagoo dhinaca kale ka dalban doona in wakiiladu ay ka dhabeeyan taageerida DFS.

Xassan Sheekh iyo Sharmaarke ayaa sidoo kale Wakiilada sharaxaad dheeri ah kasiinaaya Jadwalka cusub iyo wararka sheegaya in tirro kordhin lagu sameeyay Odayaasha soo xuli doona Xildhibaanada cusub ee uu yeelan doono Baarlamaanka Somalia.

Xassan iyo Sharmaarke ayaa juhdi ku bixinaaya sida wakiilada ay uga laaban lahaayen caradii ay ka qaaden dib u dhaca doorashada dalka, waxaana lafu wadaa in wixii intaa ka danbeeya ay wada shaqeyn cusub dhexmari doonta DFS iyo Wakiilada inta laga baxaayo howlaha doorashada.

Dhinaca kale, kulamada ay labadaani mas’uul la qaadanayaan wakiilada ayaa waxaa lagu xalin doonaa khilaaf Siyaasadeedyo hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com