Dabageed oo ku biiray garabyada mucaaradka ku ah shirka ka socda Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolkaasi Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) uu ku biiray dhinacyada kasoo horjeeda shirka ka socda magaalada Jowhar.

Yuusuf Daba-geed oo goordhow dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu kasoo horjeedo shirka iminka ka socda magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay in go’aankiisa uusan la ganbaneynin isla markaana uu si cad kaga soo horjeedo shirka ay gogoshiisu taalo magaalada Jowhar ee xarunta G/Dhexe.

Yuusuf Daba-geed, waxa uu sheegay in markiisa hore uu qeyb ka ahaa shaqsiyaadka u ololeyneysa dhismaha maamulka cusub ee loo dhisaayo labada Gobol, balse hadda uu yahay mid kasoo horjeeda.

Yuusuf Daba-geed, ma uusan sheegin sababta uu kaga soo horjeestay shirka iminka ka socda magaalada Jowhar, balse waxa uu cadeeyay inuusan taageersaneyn shirka Jowhar.

Qeybo kamid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa qaaday shirka ka socda magaalada Jowhar, waxa ayna ku doodayaan in lama huraan ay tahay in Gobolka Hiiraan loo qeybiyo laba Gobol.

Dhinaca kale, Go’aanka kasoo baxay Yuusuf Daba-geed, ayaa garab u noqonaaya Odayaasha Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com