DAACISH oo sheegatay qaraxii ATMIS ee Muqdisho iyo waxa loo adeegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxii dorraad ka dhacay wadada KM4, agagaarka xarunta CID-da, kaasi oo sababay dhaawacyada saddex qof.

Qaraxa ayaa waxa qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin, kuwaasi oo ka yimid dhanka Tarabuunka, kuna sii jeeday Isgoyska Zoobe.

Daacish ayaa qaraxaan ku sheegatay qoraal lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka kooxda, kaasi oo lagu sheegay in Daacish ay ka dambeysay weerarkaasi oo Muqdisho ka dhacay maalintii Isniintii ee toddobaadkan.

Qaraxaasi ayay sheegtay Daacish-ta Soomaaliya in loo adeegsaday Miino nooca dhejiska ah, taasi oo keentay in si lama filaan ah u holco gaariga kamidka ahaa Kolonyada ATMIS, kaasi oo ahaa gaari nooca xamuulka ah.

Qaraxa Isniintii oo ahaa mid jugtiisu cusleyd ayaa si rasmi ah loo cadeyn waxa ka dambeeyay, kaasi oo dhaliyay gubashada baabuurka, ayada oo ATMIS ay sheegtay in Miino loo adeegsaday, halka Taliska Booliska Soomaaliya uu sheegay in la baarayo waxa dhaliyay qaraxa oo aanay caddeyn.

Taliska booliska oo ku jaha-wareeray nooca qaraxaas ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri, “Qaraxa ayaa ka dhashay dab gaariga qabsaday. Isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.”

Booliska ayaa intaas ku sii daray inay socdaan baaritaano lagu ogaano waxa sababay qaraxaas, 3-da qof oo ku dhaawacmay qaraxaas waxay ahaayeen gabdho laamiga geeskiisa Qaad ku iibinayey.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka nabdooneed qaraxyadii ay geysan jireen kooxaha argagixisada, waxaana taas u sabab ah dagaalka gobollada dalka uga socda kooxahaasi.