Booliska oo war kasoo saaray QARAXYO culus oo caawa laga maqlay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Af-furkii kadib, dhowr jug ama qarax ayaa caawa laga maqlay dhowr degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan nooca ay yihiin waxa dhacay.

Meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa in waxa dhacay ay hoobiyeyaal yihiin, inkastoo aan weli la helin xaqiiqo rasmi ah oo ku saabsan waxa dhacay oo aad u dhawaq weynaa dhowr degmana ka dhacay, intii u dhaxeysay af-furka iyo cishaha.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo qoraal kooban ka soo saaray waxa dhacay ayaa baahiyey inay dheemish ahaayeen qaraxyadii la maqlay.

Sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu sheegay in meelaha qaar laga hor tegay waxyaabihii la dhigay oo sida uu boolisku shaaciyey shacabka caasimadda lagu qalqal gelinayo.

“Waxaan ku war-galineynaa shacabka ku nool caasimadda, in wax khasaare ah aysan geysan dhawaqa la maqlay oo ahaa ‘qaraxyo dheemish ah’ oo cadowga ummda Soomaaliyeed uu ku qalqal-galinayo shacabka muslimiinta ah oo ku jira waqtigii af-furka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goobaha qaar waxaa laga hor tegay waxyaabihii ay dhigeen iyagoo aan qarxin.”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan ka nabad gashay weerarradii is dabajooga ahaa ee kooxda Al-Shabaab ay ka geysa jirtay, gaar ahaan qaraxyadii.

Waxaa xusid mudan in bisha Ramadaan oo kooxdaan ay aad weerarro uga geysa jirtay Muqdisho ay hadda mareyso kala bar, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.