Sawirro: Howlgal culus oo Cali Jeyte uu hoggaaminayo oo ka bilowday koonfurta Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Howlgal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka billoowday deegaanno dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa lagu xoreeyey deegaano badan oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaas oo ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, kadib markii ay isaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

Sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya ciidanka oo gudaha u sii gelaya deegaano dhowr ah, waxaana ciidanka hoggaaminayey guddoomiye Cali Jeyte.

Deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, waxaa weli ku sugan kooxda Al-Shabaab, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan.

Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jeyte oo maalmo ka hor Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa dadka reer Hiiraan uga dishay laba khatarood oo mid tahay dhagarta Al-Shabaab iyo fatahaad laga cabsi qabo inuu geysto wabiga Shabeelle.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan ka mid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.