Daawo: Cali Guudlaawe oo arrinta isbaarooyinka dusha ka saaray saraakiil ka tirsan DF

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gudoomiyay shirka golaha wasiirrada maamulkaas ayaa sheegay in isbaarooyinka yaalla deegaaanada HirShabeelle ay u yaalaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey gabagabadii shirkaas ayaa sheegay in isbaarooyinka yaalla deegaanada HirShabeelle ee lagu dhibayo dadka musaafurka ah ay u yaalaan saraakiil la wada yaqaano oo HirShabeelle aysan shaqo ku laheyn.

Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in ciidanka iyo saraakiisha ay isbaarooyinku u yaallaan ay hoos tagaan wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka, isagoo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay arrintaan, balse aan waxba laga qaban.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadka deegaanadaas ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka oo taliskooda iyo madaxda dalka uu uga dacwooday marar badan, sida uu sheegay.

“Isbaaradu qaar ka mid ah militeriga ayey u taallaa ee madaxda qaranka waxaan leeyahay, cidda isbaaratu taallo waa la yaqaane yaan laga leex-leexane sharciga la hor geeyo oo taallaabo halaga qaado,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Dhinaca kale, Shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada HirShabeelle waxaa looga hadlay arrimaha amniga, dardar-gelinta wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhowaan bilaaban doona iyo muhiimada dardar-galinta howlaha hortabinta u leh maamulka.

Madaxweynaha Golaha Xukuumada la wadaagay diyaar garowga loogu jiro wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhowaan ka bilaaban doono deegaanada Hirshabeelle, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay isku diyaariyaan ka qeyb-galka howlgalladaas.

Wasiirka Qorsheynta ayaa golaha la wadaagay halka uu marayo barnaajimka xalka waara, iyadoo dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka uu golaha uga waramay qorshooyinka wasaaradda ee hagaajinta garoomada diyaaradaha iyo howlgalinta taargooyinka gaadiidka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka HirShabeelle inay ka feejignadaan fatahaado laga yaabo inuu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Hoos ka daawo