Shiinaha oo xildhibaanada Maraykanka uga digay inay la kulmaan Tsai Ing-wen

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanada Maraykanka ayaa Arbacadii waxay iska diideen digniin ka soo baxday safaaradda Shiinaha oo ku aaddanayd inaanay la kulmin madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen oo booqasho ku joogta gobolka California.

Xildhibaano ka kala tirsan labada xisbi oo gaadhaya illaa 17 mudane oo uu wehelinayo afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha Taiwan, makatabadda Ronald Reagan ee ku taalla Simi Valley, California.

Warbaahinta Maraykanka ee Punchbowl ayaa sheegtay in qaar ka mida xildhibaanada Maraykanka ee kulankan ka qaybgelayey, inay saacado ka hor heleen fariimo email ah oo muujinaya “sida Shiinuhu uu uga walaacsan yahay [la kulankooda Tsai]”

Fariin qoraal oo ay VOA ka heshay sarkaal ka tirsan safaaradda Shiinaha oo lagu magcaabo Li Xiang, ayaa lagu sheegay in “dhinaca Shiinahuhu uu si weyn uga soo horjeedo, nooc kasta oo isdhexgal ah oo dhex mara Maraykanka iyo Taiwan, sidoo kalena ay ka soo horjeedaan safar kasta oo masuuliyiinta Taiwan ay ku yimaadaan Maraykanka, iyo weliba nooc kasta oo kulan ah oo dhex mara iyaga iyo masuuliyiinta Maraykanka”

Xildhibaanada Maraykanka ayaa sheegay inaanay wax isbedela ku samaynayn qorshahooda.

“Shiinuhu ma go’aamin karo cidda xubnaha ay xubna Congress-ku kula kulmayaan ciidda Maraykanka. Xildhibaanku wuxuu ka qaybgelayaa kulanka dhexmaraya madaxweyne Tsai iyo afhayeenka aqalka wakiillada ee McCarthy” sidaas waxaa VOA u sheegay afhayeen u hadlay xildhibaan John Curtis.

Guddida joogtada ah ee xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa u sheegay VOA in tiro ka mida xildhibaanada u safray California inay heleen fariinaha safaaradda.

Emailka ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaraya Tsai, McCarthy iyo xildhibaanada kale, inuu dhaawacayo siyaasadda “Shiinaha ee midka ah”.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa ku adkaysanaysa in socdaalka (transit) masuuliyiinta Taiwan inuu yahay safar gaar ah oo aan rasmi ahayn, iyaga oo sheegay in madaxweyne kasta oo Taiwan ahi, inuu safar sii gudbid ah(transited) ku maray Maraykanka, Tsai-na ay noqonayso markii todobaad ee ay lugta geliso Maraykanka.

VOA