Daawo Guuleed: Qaddiyada Somaliland waa qaddiyad aad u adag oo u baahan in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xalay kulan la qaatay xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay qadiyadda masuulka looga dhigay, xilli ay muddo hakad ku jiraan wada-hadalada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Mudane Guuleed ayaa waxa uu sheegay in qaddiyada Somaliland ay tahay qaddiyad adag oo u baahan in si gaar ah loo eego, si xal looga gaaro tabashooyinka gaarka ah ee qabaan reer Somaliland.

“Qaddiyada Somaliland iyo ahmiyada ay leedahay wax badan iska weydiin mayno oo midnimadii, wada-jirkii, is-garabsigii iyo walaalnimadii ayaa meeshaas ku jirta,” ayuu yiri Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ergeyga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowlad-dhiska Soomaaliya uu ka dhaqaaqi la’yahay maqnaashaha Somaliland, maadaama dhadhaaraddii saddexda ahaa uu mid maqan yahay “Dhariga marka dhadhaarada mid maqan yahay ma taagnaanayo dhariga, dabkii la rabay inuu wax kuleyliyo oo kariyo wuu bakhtiinaya, marka qaddiyada Somaliland waxa uu ku jira xalka umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.”

Guuleed ayaa markale ku celiyay in loo baahan yahay in Somaliland laga siiyo garowshiyo, loogana hadlo si walaalnimo iyo tolnimo kujirto, si xal looga gaaro tabashadooda oo uu sheegay inaysan aheyn dad meel cidlo ah ka duday, sida uu hadalka u dhigay.

“Midnimadii 60-kii la sameeyay in dareenka Somaliland uusan aheyn wax dhawaan yimid waxaa ku daliil ah in midnimadii oo hal sano jirin ayaa inqilaab la iskaga dayay Waqooyiga 61-dii. Waxaa aaminsanahay maalintaas haddii dadkii masuuliyada dalka hayay ay dareemi lahaayeen arrintaas khatarta ay leedahay dhibaatada dhacday iyo siday u dhacday ma dhacdeen, laakiin waxaa suurta-gal ah in la fududeystay.”

Waxa uu sheegay inuu qabo in si dhab ah loo wada-hadlo oo labada dhinac, isaga oo xusay in wada-hadalada loo wakiishay ay noqon doonaan kuwa hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, islamarkaana laga gungaaro waxa dhabta ah ee tabashadu ku saabsan tahay iyo xalkeeda.

“Meesha ay bahasha ka damqaneyso waa in la taabto, wada-hadalada aan daadihin doono waxaa rabaa in hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jirra, oo dhaawaca korkiisa la dhayin ee la dilaaciyo boogta laga gungaaro waxa tabashada tahay, si aysan berri usoo laaban oo xal waara oo la iskaga raali yahay loo gaaro.”

Hoos ka daawo