Yaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada lagu hoobtay ee ka dhacay Baqdaad?

Baghdad (Caasimadda Online) – Kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka (IS) ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay caasimadda Ciraaq ee Baghdad, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Bartilmaameedku wuxuu ahaa Shiicada Muslimiinta ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay wakaaladda wararka kooxdan Sunniga ah ee Amaq.

Waa qaraxyadii ismiidaaminta ee ugu cuslaa Baghdad muddo saddex sano ah.

Kuwa fuliyay ayaa isku dhex qarxiyay meel ay dhoobnaayeen dad ka dukaameysanayay suuqa Tayaran Square.

Qirashada kooxda jihaad doonka ah, ee bartooda Telegram-ka, ayaa timid saacado kaddib weerarka.

Qaraxyada ismiidaaminta ah kuma badneyn Baghdad tan iyo intii IS looga adkaaday gobolka sanadkii 2017.

IS ayaa mar gacanta ku heyn jirtay 88,000 isku wareeg km (34,000 isku wareeg meyl) oo dhul ah laga soo bilaabo bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya waxayna xukunkooda adag ku soo rogeen ilaa siddeed milyan oo qof.

Inkastoo IS looga adkaaday dagaalka, warbixin ay bishii August soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 10,000 oo dagaal yahanno IS ah ay ku sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya.