DAACISH oo sheegatay weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay dalka IRAN

Tehran (Caasimada Online) – Dalka Iran, dablay hubaysan ayaa waxay rasaas ku fureen dadweyne ku sugan goob ay shiicadu ka barakaysato, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaran illaa 15 qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay dhaawaceen 40 qof oo kale, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay goobta ay shiicadu ka barakaysato ee Shah Cheragh oo ku taalla magaalada Shiraz.

Warbaahinta dawladda ayaa dhacdadan ku tilmaamntay inay tahay weerar argagixiso, waxayna sheegtay in la ka mida dadka loo tuhmayo weerarkan in la soo xidhay.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Iran ay maalintii 40aad ka socdaan mudaharaado looga soo horjeedo xukuumadda dalka Iran, kuwaas oo ka dhashay gabadh yar oo ay ciidamada anshaxa ee caasimadda Tehran ay xidheen, ka dibna ku dhex geeriyootay xabsiga.