Daacish oo weerar ku dishay mas’uul ka tirsan Puntland

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay xalay dabley ka tirsan kooxda Daacish ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, kaas oo lagu dilay mas’uul sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka lagu dilay weerarka uu ahaa guddoomiyihii degaanka Balli-Dhidin ee gobolka Bari, kaas oo ay khaarijiyeen xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Muumin, waxaana la sheegay in ilaaladiisa ay iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka fuliyey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka ka dambeysay oo ka tirsan Daacish ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada guddoomiyaha.

Dhinaca kale Puntland ayaa war kasoo saartay dilka Marxuum Maxamed Axmed Muumin, waxaana qoraal uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo reer Puntland.

Dhabancad ayaa sidoo kale Marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa, samir iimaana uu ka siiyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Aniga oo ku hadlaaya magaciisa, kan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyaha  Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumka,” ayuu yiri.

Daacish iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee Puntland ayaa weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geysta magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.