DF oo bixisay dhul, qaaday laba tallaabo oo kale si ay u hagaajiso xiriirka MASAR

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ammaantay tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya ee dib loogu hagaajinayo xiriirka labada dal oo sanadihii tagay xumaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la saftay Itoobiya oo Masar ay isku hayaan biyo-xireenka webiga Nile, taasi oo sii xumeysay xiriirka labada dal, xilli markii horeba uu ku xumaaday markii Villa Somalia ay Qatar la safatay, kana soo horjeesatay isbaheysiga Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa Qaahira kula kulmay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Madbouly ayaa ammaanay saddex tallaabo, oo ay qadaay dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka labada dal, kuwaas oo kala ah.

1- Magacaabista safiirka Soomaaliya ee Qaahira.
2- Dib u billaabidda howlgalka waxbarasho ee Masar, oo dowladda federaalka ay horey u joojisay kadib markii uu xumaaday xiriirrka.
3- Iyo in dowladda Soomaaliya ay Masar siisay dhul ku yaalla Muqdisho oo laga dhiso safaaradda Masar, halkaasi oo sidoo kalena laga furi doono xarunta bankiga Masar ee Banque Misr.

Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa sidoo kale xoojiyey ballan-qaadka Masar ee ku aadan joogteynta xasilloonida Soomaaliya, isaga oo ammaanay dadaallada ra’iisul wasaare Rooble ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Madbouly ayaa sheegay in Masar ay ka fakareyso inay sare u qaado deeqda waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliya oo ay sanadkii gaarsiiso 400.

Dhinaca kalena, ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo leh xiriir taariikhi ah, oo leh aas-aas adag.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in sare loo qaado booqashooyinka siyaasadeed ee mas’uuliyiinta labada dal iyo in shirkadda diyaaradaha Masar ee EgyptAir ay duulimaadyo ka billowdo Muqdisho.