Biden oo si lama filaan ah u sheegay in Mareykanka ay sii joogi karaan Afghanistan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii joogi karaan wixii ka dambeeya 31-ka August, oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee ay qabsadeen inay uga baxaan, haddii ay lagama maarmaan u noqoto in dhammaan dadka Mareykanka laga soo saaro dalkaas.

“Dadka Mareykanka waa inay fahmaan inaan isku dayi dooonno inaan soo dhameystirno kahor 31-ka August. Haddii ay muwaadiniin Mareykan ah ay baaqi kusii yihiin dalka, markaas waan sii joogi doonnaa,” ayuu Biden ku yiri wareysi uu siiyey George Stephanopoulos oo ka tirsan taleefishinka ABC News.

Qiyaastii 15,000 oo qof oo Mareykan ah ayaa weli ku sugan Afghanistan, xilli ay kooxda Taalibaan si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dalkaas, Axaddii.

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Llyod Austi ayaa sheegay in 4,500 oo askar Mareykan ah ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul. 

Isaga oo ka hadlayey qaska iyo jahwareerka ka dhacay Afghanistan ee ka taagan soo daad-gureynta dadka Mareykanka iyo dadka reer Afghanistan ee la shaqeeyey, ayaa Biden waxa uu sheegay inaysan jirin si looga fogaan karay qalalaasahaas.

“Fikradda ah inaan dalkaas kasoo bixi karnay ayada oo aanu qas naga dambey, ma garanayo sida ay taas u dhici karto,” ayuu yiri Biden.

Biden ayaa horey u sheegay “inuu si qoto dheer uga murugooday” sida xaaladdu isu beddeshay, wuxuuna ballan-qaaday inuu difaaci doono xuquuqda haweenka Afghanistan, oo hadda wajahaya soo laabashada xukunka Taliban.

Hase yeeshee wuxuu si aan gabasho laheyn ugu adkeystay inuusan ka qoomameeneyn soo saarista ciidamada Mareykanka, inkasta oo si aad ah loogu dhalleeceeyey qaskii ka dhacayey halkaas, maalmihii tegay.

“Waxan si buuxda u taageersanahay go’aankeyga. Kadib 20 sano, si adag ayaan u bartay in marnaba aysan jirin waqti wanaagsan oo lasoo bixiyo ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri.