Maxaa keenay dib u dhaca ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaran ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qorshuhu ahaa in maanta oo ku beegan 19-ka August ka furmo shirka golaha wada-tashiga qaran, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Dib u dhaca ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku aaday dalka Masar oo illaa iyo hadda uu ku maqan yahay.

Sidoo kale waxaa weli caasimada soo gaarin madaxda kale ee dowlad goboleedyada oo iyaguna imaashiyahooda Muqdisho dib u dhigay, sababo la xiriira safarka Rooble.

Shirka golaha wada-tashiga qaran oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah ayaa waxaa iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo aaladda ZOOM-ka kulan kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ka jira & sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan, hadii uu qabsoomo diirada lagu saarayaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka iyo miisaanadda doorashooyinka dalka ee 2021.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in shirka lagu soo qaadi doono dib u dhaca ku yimid jadwalkii doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, maadaama laga daahay.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxaladoo kala duwan iyo is jiid jiid muddo soo taagnaa oo sababay in doorashada lagu qaban waayo xilligii loo asteeyey.