Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Somalia – Maxaa lagu qabanayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hay’adda USAID ayaa sheegtay in lacag malaayiin dollar ah ay ugu deeqday Soomaaliya, taas oo loo soo marin doono sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF qeybteeda Soomaaliya.

USAID ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaasi ay tiro ahaan gaareyso illaa $20 milyan oo dheeraad ah, isla-markaana qeyb ka ah kaalmaha la siinayo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale hay’adda hay’adda USAID ayaa warbixinteeda ku sheegtay in deeqdaan lacageed loogu-talagalay in Soomaaliya looga caawiyo la dagaallanka Covid-19.

Ujeedka kaalmahan laga leeyahay ayaa sidoo kale ah taageerida ururka iyo la-howlgalayaashiisa si loo xoojiyo adkaysiga bulshooyinka iyo wax-ka-qabashada saameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dhibaatooyinka kale ee horyaa dalka.

“Maaliyaddan cusub ma’aha oo kaliya in ay gacan ka geysaneyso yareynta saameynta masiibada, laakiin waxay sidoo kale xoojin doontaa ilaalinta carruurta ee adeegyada, caafimaadka, nafaqada, iyo sidoo kale bixinta biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dhinaca kale kaalmadani cusub ayaa  waxay keeneysaa maal-gelinta USAID ee UNICEF Soomaaliya in ay gaartay $ 34.7 milyan sanadkan aynu ku jiro ee 2021-ka.

Si kastaba Soomaaliya waxaa markii saddexaad fara ba’an ku haya cudurka Coronavirus, waxaana haatan isa soo taraya dadka uu soo ridinayao xanuunka iyo kuwa u dhimanaya.