Erdogan oo soo faro-geliyey dagaalka Tigray – Muxuu u ballan-qaaday Abiy Ahmed?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii yaboohay inuu gacan ka gaysto inuu dhex-dhexaadiyo sidii loo soo geba-gebeyn lahaa dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Erdogan ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegay Ankara “inay muhiim u tahay nabadda iyo sharafta” dalka ay dagaallada la degeen ee Ethiopia.

“Haddii ay xaaladda sii xumaato, waxay saameyneysaa dhammaan dalalka gobolka,” ayuu Erdogan ku yiri shir jaraa’id oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed.

“Turkey ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan wax kasta oo aan awoodno ku tabarucno xal u helidda dhibaatada, oo ay qeyb ka tahay dhex-dhexaadin,” ayuu yiri Erdogan.

Ankara iyo Addis Ababa ayaa leh xiriir saaxiibtinimo, waxaana labada hoggaamiye ay wacad ku mareen inay xoojiyaan iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi.

Abiy ayaa sheegay in xiriirka labada dal lagu dhisay “is-qadarin iyo is-aaminaad.”

Hase yeeshee labada dal kuma aysan dhawaaqin wax heshiisyo ah oo gaar ah, oo ay gaareen intii lagu guda jiray booqashadii Abiy ee Ankara.

Abiy Ahmed ayaa toddobaadyadii dhowaa wajahayey cadaadis xooggan kadib markii ciidamada Tigray-ga ee TPLF ay dib ula wareegeen gobolka, sidoo kalena ku siqeen gobollada kale ee deriska la ah.