Damaca Deni iyo Axmed Madoobe oo horseedaya xarig-jiid siyaasadeed cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf ka dhashay soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee Isniintii la shaaciyey.

Xubno ka tirsan guddiga oo lagu kala magacaabo Saciid Abshir iyo Cabdi Xiis Udan ayaa kasoo horjeestay habraaca, ayaga oo ku dooday in aan weli la gaarin xilligii loogu-talagay in la shaaciyo habraaca, maadaama maamullada qaar aysan soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

Waxaa xusid mudan in xubnaha guddiga ee diidan habraac ay yihiin kuwa ku xiran Jubaland iyo Puntland. Waxaa sidoo kale jirta in xubnahaasi kahor baraha bulshada lagu arkay qoraalo kasoo baxay xubno ka mida Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo diidan Habraaca Guddiga Doorashada ee Heer Federaal.

Warar lagu kalsoon yahay, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegay in khilaafka guddiga uu salka ku hayo loolan u dhaxeeya guddiga iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo faro-gelin ku hayo guddiga.

Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni, oo doonaya in habraaca doorashada awood badan lagu siiyo maamul goboleedyada, ayna kasoo horjeedaan habraaca soo baxay Isniintii, oo aan noqon sidii ay doonayeen.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si gaar ah u doonaya inay awood weyn ku lahaadaan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada golaha shacabka, taasi oo keeni karta inay xildhibaannimo usoo saaraan ciddii ay doonaan, kuwii aysan rabinna meesha ka saaraan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa noqotay mid umadda oo idil ay ka wada-qeylisay sida loo musuqay ayada oo aysan dhicin wax doorasho lagu tilmaamo karo, balse ay madax goboleedyada soo xuleen saaxiibadood, xigtadood iyo xulufadooda siyaasadeed.

Si taas looga hortago, inta badan xubnaha Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa doonaya inuu Guddigu noqdo mid madax bannaan, islamarkaana aysan doorashada Golaha shacabka la mid noqon soo xulistii Aqalka Sare ee ay gacanta ku hayeen madax goboleedyada.

Dhanka kale, xubno ku dhow Jubaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

Balse dhanka kale waxaa jira tuhun ku saabsan in arrintan ay qeyb ka tahay damaca Saciid Deni, oo la rumeysan inuu yahay musharax madaxweyne, islamarkaana uu doonayo inuu xaqiijiyo in xildhibaanada kasoo baxaya Puntland iyo Jubaland badankood ay noqdaan taageerayaashiisa, isaga oo kaashanaya saaxiibkiis Axmed Madoobe.

Midowga Musharaxiinta oo toddobaadkan saddex maalmood shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka digay faro-gelinta maamul goboleedyada, ayada oo ay muuqato inay dano iyo damac siyaasadeed ku kala tageen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kadib markii ay isku xulufeysteen dagaalka Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay shirkoodii Muqdisho ayey Musharaxiinta walaac xooggan uga muujiyeen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare.

Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka aqalka hoose ay noqdaan kuwa daah furan oo loo dhan yahay islamarkaasna la ballaariyo shirka golaha wadatashiga qaran.

Waxay sidoo kale toos fariin ugu direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday,in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka.

Ma cadda halka u uku dambeyn doono khilaafka guddiga, hase yeeshee waxaa aad looga cabsi qabaa in xarig-jiidka doorashada Soomaaliya uu sii dheeraado, ayada oo ay yar tahay rajada laga qabo in doorashooyinka lagu soo geba-gebeeyo sanadka 2021 gudahiis, ayna caddahay inay geli doonaan 2022.