Shacab careysan oo maanta banaan-bax xooggan ka dhigay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ay dhigeen dadweyne ka careysnaa dadkii ay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadweynahan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taalada Daljira Daahsoon oo ku yaalla degmada Boondheere, waxayna wateen boorar lagu soo xardhay eradyo ka dhan ciidamada AMISOM, sida dil gar-darro ah dooni meyno, xasuuq dooni meeyno iyo erayo kale.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa cambaareyn xoogan u jeediyey AMISOM oo dalka u joogta howlo nabad ilaalin ah, waxayna ay ku eedeeyeen inay dishay shacab badan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, sida guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Weheliye ayaa ka qeyb-gashay dibad-baxa, waxayna dadka ugu baaqday in si dajiyaan, isla-markaana ay si degan ku raadiyaan cadaaladda.

Dhankeeda Shamso Yabarow oo banaan-baxa ka hadashay ayaa iyaduna tiri “Annaga in AMISOM ay naleyso xaq u malaha, mana dooneyno annaga oo Soomaali ah oo dalkeena joogno inay naleyso horta taas qalad waayey Soomaaliyey,”.

Qaar ka mid ah dadka dhigayey dibad-baxa ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay arrintaan soo farageliyso, ayna wax ka qabatao dil wadareedkii loo geystay  dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dibad-baxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo aadaya, xilli madaxweynaha Uganda oo ka hadlay dhacdadan uu qiray in ciidamadiisa ay dad shacab ahaa ku dileen Soomaaliya, isla-markaana la xiray askartii ka dambeysay falkaasi, misana maxkamada la geyn doono.

Yoweri Musaveni ayaa sidoo kale sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadiisa dilka ugu geysteen gudaha Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa timid, kadib qarax ciidamada Uganda lagula eegtay Golweyn, iyagoo kadib toogasho ku dilay 7 qof oo shacab ah oo ku xugnaa deegaanka uu weerarka ka dhacay.