Wararkii ugu dambeeyey weerar dhimasho leh oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kadib markii ay jidka u galeen gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad raydi ah.

Baabuurka ayaa waxaa la rasaaseeyey xilli uu kasoo baxay magaalada Balanballe, kuna sii jeeday deegaanka Balli-Dhiig oo dhaca dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in wadaha gaariga uu isna sameeyey iska caabin, isla-markaana uu dhaawacay qaar ka mid ah maleeshiyaadka wadada u galay.

Meydadka iyo dhaawacyada dadka shacabka ah ayaa dib loogu soo celiyey degmada Balanballe, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya.