Daacish oo weerar qorsheysan ka fulisay magaalada Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa toogasho ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Toogashada ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysnaa bastoolado kuwaa oo falka toogasho ka geystay goob lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Afar irdood ee magaalada.

Waxaa Toogashada lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle C/raxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Waxaa sidoo kale toogashada ku geeriyooday qof shacab ahaa oo kamid ahaa dadkii ku shaahaayay goobta uu weerarka ka dhacay.

Dhaawaca Taliye ku-xigeenka iyo ninka shacabka ahaa ayaa waxaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, si halkaasi loogu dabiibo dhaawacooda.

Sidoo kale, waxaa si nabad-galyo ah goobta uga baxsaday maleeshiyaadkii geystay toogashada kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidamo hubeysnaa oo watay Gaadiidka Dagaalka, kana tirsan Booliska Puntland.

Toogashada ayaa waxaa sheegtay Kooxda Daacishta Somalia ee saldhiga ku leh buuraaleyda Galgala, kadib qoraal ay ku baahiyeen baraha ay ku faafiyaan fekerkooda.

Daacish ayaa sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen xoogag iyaga ka tirsan oo si nabad-galyo ah goobta uga baxsaday.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan weli ka hadal toogashada oo kusoo beegmeysa xili deegaanada maamulka ay kusii kordhayaan falalka amni darro.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com