Xog-warran: Waa kuma madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay ee Xaaf?

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin ka duwanaan kara madaxda kale ee maamul goboleedyada.

Mar waa oday dhaqameed oo wuxuu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee ka qayb galay shirkii Carta ee horraantii 2000. Xilligaas ayuuna siyaasadda si toos ah ugu soo biiray.

Xilligaasi ka hor lama oran karo siyaasadda Soomaaliya kuma lug lahayn. Wuxuu ka mid ahaa raggii aadka u taageeri jiray Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

Siyaasadda wuxuu kaga soo biiray waddadii uu markii horeba jeexday ee dhanka dhaqanka maadaama hannaanka wax qeybsiga uu ahaa, yahayna 4.5.

Wuxuu miisaan siyaasadeed iyo mid dhaqan ku leeyahay gobolka Galmudug iyo magaalada Muqdisho oo muddo uu ku noolaa.

Dhan kale, waa nin ganacsade ah oo tan iyo billowgii todobaatameeyadii ku soo jiray ganacsiga Soomaaliya.

Sanadihii sagaashameeyadii, wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii dibadda u dhoofin jirtay mooska Soomaaliya. Wuxuu xiriir wanaagsan la lahaa shirkadda khudaarta ee Dole, oo Maraykanka laga leeyahay.

Shirkaddaas oo madax uu ka ahaan jiray Xaaf iyo mid kale oo lagu magacaabo Somalfruit ayaa mooska Soomaaliya caalamka u iibgeyn jiray.

Isla sanadahaa, wuxuu aad u kobciyay hantidiisa ma guurtada ah ee uu ku leeyahay gobollada qaar ee Soomaaliya.

Wuxuu ka mid ah ahaa dadkii billaabay in dayaaradaha ay ka shaqeeyaan Soomaaliya. Wuxuu dhisay garoonka dayaaradaha ee Lambar-50, inkastoo hadda uusan gacantiisa ku jirin.

Wuxuu horraantii sagaashameeyadii, Muqdisho iyo qaybo ka mid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ka hirgaliyey xafiisyada iyo duullimaadyada shirkadda dayaaradaha ee Daallo oo ilaa iyo hadda ay maamulaan xubno ka mid ah qoyskiisa.

Siyaasadda, taajirnimada, galaangalka siyaasadeeda, aqoontiisa hoose oo dhisan, iyo shabakadaha uu ku leeyahay gobollada dalka, waxay u saamaxeen in dhowr goor uu xubin ka noqdo baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka kaliya ee uu ka maqnaa tan iyo dawladdii Carta waa kan iminka jira, taa bedelkeeda, wuxuu hantiyey madaxtinimada maamul goboleedka Galmudug.

Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin garanaya sida dadka loola saaxiibo, dhanka kalena wuxuu ku xeeldheer sida loo qaato go’aanno u baahan calool adeyg.

Sidaa darteed, waa go’aan laga filan karo in uu ku adkeysto diimadiisa ah in xilka madaxweynaha Galmudug laga qaaday, ka dib markii xubno ka mid ah baarlamaanka maamulka ay ku andacoodeen.

Maamul Goboleedyo ayaa la saftay Xaaf

Markii Khilaafka uu xoogeystay ka dib, madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaar ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku cambaaraynayaan xildhibaanno sheegay in ay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Warsaxaafadeedka oo ay ku wada xusnaayeen madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kan Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay farogalin la sheegay in dowladda dhexe ay ku hayso arrimaha Galmudug.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa BBC-da u xaqiijisay in ay warsaxaafadeedka qeyb ka tahay, balse maamul goboleedyada kale ayaan wali dhankooda ka hadlin in warsaxaafadeedkan ay wax ka og yihiin.

Madaxweynayaasha ayaa madaxda dowladda dhexe ugu baaqay in ay dib uga laabato go’aanka lagu taageeray hadalka xildhibaanada Cadaado, waxaana laga digay in talaabadan ay qalqal siyaasadeed iyo mid amni ka abuuro karto gudaha dalka.

Ugu dambeyntii madaxweynayaasha ayaa shaaciyay in ay shir degdeg ah ay isugu tagayaan magaalada Kismaayo si looga wada xaajoodo arrimaha taagan. Shirkan ayaa waxaa horey ugu baaqay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhanka kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa mar uu BBC-da waraysi siiyay waxa uu waxbo kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis la sheegay in ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada, wuxuuna intaas ku daray in dastuurka Galmudug uu qabo in aanan madaxweynaha xilka laga qaadi karin lixda bilood ee ugu horeysa xilka, isaga uu hadda xilka hayo afar bilood uun.

Ma haystaan ciidammo u gaar ah

Galmudug waxaa ka hawlgala ciidammada dowladda federaalka haddii ay ahaan lahaayeen xoogga dalka iyo waliba kuwa nabad suggida oo si toos ah uga amar qaata dowladda dhexe.

War saxaafadeedkii isbuucii hore kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee lagu taageeray xil ka qaadista madaxweyne Xaaf ayaa qodobka ugu dambeeya waxaa amar lagu siiyay ciidamada kala duwan ee Galmudug ku sugan in ay sugaan amniga, kana hortagaan wixii qalqal ku ah amniga.

Xasan Xayle oo arrimaha siyaasadda ka faalloodo wuxuu qabaa in madaxweyne Xaaf ku dadaalayo sidii uu Galmudug uga samayn lahaa ciidamo isaga si toos ah uga amar qaata, si awoodiis xukunka uu salka ugu dhigo.

Arrin kale oo muujinaysa in uu jiro isku tashi xag ciidan ayaa waxa ay tahay in guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casar oo mar BBC-da la hadlay wuxuu sheegay: “Halkan waxaa ka taagan arrin aad u cakiran oo ciidamadii la uruurinaayo, oo la isku duba ridayo, meel loo wado ma garanayno.”

Gudoomiyaha oo la sheegay in xilka laga qaaday iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa diidan go’aan uu Xaaf ku taageeray xulafada Sucuudiga oo Qadar go’doomiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrinta Khaliijka dhexdhexaad ay ka tahay.

BBC