Daacishta Somalia oo bilowday falal cusub oo aan horay looga baran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacishta Somalia ay bilaabeen howlgalo ka dhan ah maamulka Puntland.

Maleeshiyaadka oo ku hubeysan Hub iyo Gaadiid casri ah, ayaa la xaqiijiyay inay bilaaben howlgalo laga sameynaayo banaanka buuraha Galgala.

C/raxmaan Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in indhihiisa uu ku arkay maleeshiyaad Hubeysan oo howlgal ugaarsi ah ka fulinaaya banaanka buuraha.

Waxa uu tilmaamay in mudada ay howlgalka ku guda jireen ay dhac ku hayeen Gaadiidka iyo dadka xamaalatada ah ee ku dhow dhow buuraha.

Waxa uu intaa ku daray inay ka xeysteen gaadiid nooca raaxada iyo kuwo waaweyn ah oo loo badinaayo inay u adeegsan doonaan weeraro.

”Waxaan goobjoog u ahaa furashada gaadiid noocyo kala duwan leh oo ay kala dageen dad shacab ahaa, waxa ayna kusii qaaten dhowr dhalinyaro”

Wuxuu sheegay inaan horay looga baran falalka furashada gaadiidka iyo qafaalashada dhalinyarada, balse waxa uu ku taliyay in la sameeyo ka hortag.

Sidoo kale, waxa uu carab dhabay inay sumeyn ku bilaabeen ceel-biyoodka ku yaalla dhammaan deegaanada ku dhow dhow goobaha ay gacanta ku hayaan.

Geesta kale, waxa uu cadeeyay in ciidamada maamulka Puntland ay gadaal uga soo durqeen Saldhigyadii ay ku sugnaayen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com