Maxaadan ogeyn oo ka dhex taagan dekadda weyn ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in la kordhiyay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Ganacsatada alaabaha kala soo dega Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa la sheegay in 30% lagu kordhiyay lacagaha Canshuurta, xili ay jirto dhaqaale xumi ay ka cabanayaan.

Canshuur kordhinta ayaa waxaa sameeyay Wasiirka Maaliyada u qaabilsan xukuumada C/raxmaan Beyle, oo dhaliilay dhaqaalaha usoo xarooda Ganacsatada iyo dhaqaale yarida ay ka cabanayaan.

Yuusuf Maxamuud oo kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay inay ku adag tahay bixinta lacago canshuur ah oo uu tilmaamay inay tahay 30%.

Waxa uu sheegay in muddo Sanad gudihiisa lagu kordhiyay laba jeer Canshuurta waxa uuna intaa raaciyay in Dekadda qudheeda ay ku qabaan dhibaato, isla markaana aysan garankarin sababta looga qaadayo dhaqaale intaa dhan.

Waxa uu intaa ku daray in Canshuurta lagu kordhiyay ay tahay waxyaabaha Dibadda laga keeno ee laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho arintaasna aysan awoodin Ganacsatada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa wada dadaalo ay xal ugu raadinayaan Canshuurta farahabadan ee lagu soo rogay, iyagoo kulamo la qaadanaaya Wasiirka Maaliyada iyo Maamulka Sare ee Dekadda.

Geesta kale, waxaan arrintaan ka hadal Wasaaradda Maaliyadda, oo iyadu dhaqaale abuur ka sameyneysa Dekadda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com