Maxay tahay sababta uu Farmaajo u dalbaday la kulanka xildhibaanada Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho waxaa weli ku sugan Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug sida, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Galmudug kadib markii siyaabo kala duwan ay ku yimaadeen Xamar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho kula kulmay tiro ka Saddex jeer Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa 2,aad kadib markii uu u yeeray.

Xog la helay Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in uu la kulmo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug si xal looga gaaro khilaafkii sababay in siyaabo kala duwan xilal looga kala qaado Saddexda Masuul ee ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iskudayaya in uu xal ka gaaro khilaafka hareeyay Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com